Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe ayaa maanta si rasmi ah uga billaabmay guud ahaan deegaannada maamulka Galmudug. Imtixaankan oo muhiim u ah ardayda dhammeystiraysa heerka dugsiga dhexe ayaa lagu wadaa inuu socdo maalmo xiriir ah, waxaana uu fure u yahay u gudbista fasallada sare.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali