In ka badan 1500 qoys oo xaalad bini’aadminimo ku wajahaya deegaanno ka tirsan bariga gobolka Mudug

0
103

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Agaasimaha Guud ee wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Galmudug Maxamed Cabdulahi wardheere oo kormeer shaqo ku tagay deegaanno dhaca bariga gobolka Mudug ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay xaaladda nololeed bulshada ku nool deegaannada ay kormeerka ku tageen, waxaa uu agaasimuhu sheegay in qoysas kor u dhaafaya 1500 oo qoys ay deegaannadaas ku wajahayaan xaalado bini’aadminimo oo ay ugu daranyihiin biyo la’aan iyo adeegyada kale sida caafimaadka.

Warkan waxaa soo jeedinaya:- Abdidahir Garad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here