Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)- Deeqdan raashinka ah oo ay iska soo aruuriyeen dad muxsinin ah oo ku kala sugan gudaha dalka iyo dibedda ayaa loo qeybiyey in ka badan 20 qoys oo dan yar ah kuna nool xaafadaha kala duwan ee magaalada dhuusamreeb.
Goobta raashinka lagu qeybinayey waxaa goob joog ahaa maamulka xafadda Waaberi iyo masuuliyin oo loosoo wakiishay bixinta deeqdan.
Warkan waxaa soo jeedinaysa:- Hamdi Dirie Ali