Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Waxbarashada Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoorre, iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug ayaa ka qayb galay xaflad qalin-jabin ah oo lagu maamuusay ku dhawaad 200 arday oo ka kala baxay macaahid iyo mu’assasooyin ku yaalla degmooyinka Galmudug. Ardaydan, oo la guddoonsiiyay shahaadooyinka dugsiga sare si ay uga sii gudbaan jaamacadaha, waxaa shahaadooyinkan bixisay Daladda Mu’asasooyinka iyo Macaahida Shareecada ee Soomaaliya.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi
Audio Player