Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Waxaa si xawli ah ku socda dhismaha laamiga isku xira magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud. Shaqada laamiga ayaa maraysa heer wanaagsan, iyadoo qeybaha hore ee waddada la dhameystiray, islamarkaana la guda galay wajiyadii ugu dambeeyay ee dhismaha.
Mashruucan oo muhiim u ah isku socodka bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha gobolka, ayaa waxaa hirgelinaya maamulka Galmudug iyadoo ay kaashanayaan shirkado maxalli ah. Mas’uuliyiinta mashruuca ayaa sheegay in haddii xaaladdu sidaas ku sii socoto, laamigu dhowaan la dhammeystiri doono.
Warkan waxaa soo jeedianaya: Liban Mohamed Abdi.