Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Xiddiga Man United ee Marcus Rashford ayaa lagu soo waramayaa in uu seegi doono kulanka Sevilla ee Europa League Khamiista, sida laga soo xigtay The Sun.
Manchester United ayaa sugaysa inay ogaato heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca ku qasbay weeraryahanka inuu ka baxo garoonka kulankii Everton.
Waxaa jira ‘cabsi’ ka jira Old Trafford oo ku saabsan in xiddiga maqnaan karo muddo todobadyo ah ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka.
Rashford waxa uu noqday ciyaaryahan muhiim u ah Red Devils intii uu xilka hayay Erik ten Hag, isagoo dhaliyay 27 gool 10 caawin sameeyay 47 kulan oo tartamada oo dhan ah.
Laakiin Dhaawaciisa ayaa haatan wal-wal ku ah kooxda xilli ay Kooxdu u tartamayso laba koob kuwaas oo kala ah FA Cup-ka iyo Europa League.