Inter oo xasuuqday deriskeeda AC Milan Kuna Guuleystay koobka Italian Super Cup

0
46

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Inter Milan ayaa deriskooda AC Milan ku xasuuqay 3-0 iyagoo sannadkii labaad oo isku xigta ku guuleystay Supercoppa Italiana.

Federico Dimarco, Edin Dzeko iyo Lautaro Martinez ayaa shabaqa soo taabtay kulankii ka dhacay King Fahad International Stadium ee magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga iyadoo kooxda tababare Simone Inzaghi ay cashar u dhigeen kooxda ay xafiiltamaan ee AC Milan.

Inter ayaa ku qaadatay kaliya 10 daqiiqo inay hogaanka u qabato ciyaarta markii Nicolo Barella uu karoos u soo dhigay Dimarco oo shabaqa ku hubsaday.

Rafael Leao ayaa badbaadin ku qasbay goolhayaha Inter Andre Onana ka hor inta aysan Nerazzurri dhalinin goolkeeda labaad markii Dzeko uu banaan cidlo ah uga tagay Tonali islamarkaana uu shabaqa soo taabtay daqiiqadii 21aad.

Milan ayaa goolal kale lagu xaaqi lahaa laakiin goolhaye Ciprian Tatarusanu ayaa labo gool ka beeniyay Martinez iyo Dimarco.

Tababare Stefano Pioli ayaa doortay inuusan wax bedel ah sameynin waqtigii nasashada, laakiin wuu ku faraxsanaa sida ay kooxdiisa ku bilaabatay qeybta labaad iyadoo Leao uu mar kale goolka tijaabiyay.

AC Milan ayaa ku guuldareystay inay ka faa’ideysato cadaadiskii ay saareysay Inter waxayna taasi keentay in Lautaro Martinez uu gool seddexaad ugu shubo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here