Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Iskaashatada Gaadiidleyda Galmudug ayaa si weyn u taageertay mashruuca dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb,wadada ayaa muhiim u ah isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka gobolada dalka.
Dhismaha waddadan oo si rasmi ah loo dhagax dhigay bishii May 2025, ayaa waxa hirgelintiisa hormuud u ah Maamulka Galmudug, iyadoo la kaashanayo bulshada deegaanka. Waddadan oo muddo dheer ahayd mid burbursan, ayaa hadda waxaa laga dareemayaa horumar muuqda oo dhanka dhismaha ah.
Warkaan waxaa soo jeedinaya:Liban Mohamed Abdi.