Jakub Kiwior Oo Iskaga Tegaya Arsenal Oo Xagaagii Uu Kusoo Biiray

0
56

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la sheegay, in ay ogolaanayso inay amaah ku dirto difaaceeda dhexe ee Jakub Kiwior si uu usoo helo fursad ciyaareed oo joogto ah oo uu horumar uga samayn karo xirfaddiisa, kaddib markii uu boos ka waayey Emirates Stadium.

23 jirkan oo Arsenal ay January 2023 kasoo iibsatay kooxda Talyaaniga ee Spezia oo ay £21 milyan oo Gini u shubeen ayaa waxa qandaraaskiisu uu soconayaa illaa sannadka 2023.

Difaaca reer Poland oo buuxiyey booskii uu banneeyey William Saliba dhamaadka xilli-ciyaareedkii hore, ayaa waxa uu ka baxay qorshaha tababare Mikel Arteta oo ku illoobay kaydka, iyadoo laacibkanna uu doonayo in uu helo boos joogto ah.

Sida ay warbaahinta ciyaaraha ee Ingiriisku sheegayso, tababare Mikel Arteta ma doonayo inuu kala tuuro labadiisa difaac dhexe ee Saliba iyo Gabriel Magalhaes oo si fiican iskula haysta, waxaana uu Kiwior u arkaa kaliya beddel suge iyo ciyaartoy mustaqbalka ah.

Warka ayaa intaa ku daray, in Arsenal ay diyaar u tahay inay amaah ku dirto Kiwior, waxaana doonaya kooxaha horyaalka Talyaaniga ee AC Milan, AS Roma iyo Atalanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here