Japan oo guul Soo laabasho leh ka gaadhay Germany

0
42

Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Lama filaanka koobka adduunka ayaa sii socda iyada oo xulka Japan guul soo laabasho leh ka gaadhay xulka weyn ee Germany kulan xiiso lahaaa.

Kulanka ayaa ahaa mid uu xulka Germany maamulayay isla markaas ka awood badnaa xulka Japan kuwaas oo ku dhibaatooday in ay weerar qaadaan.

Xulka Germany ayaa samaynayay fursado waali ah oo ay ku dhalin kareen goolal laakiin waxa ka maqnaa dhamaystirka fursadaha maadama ayna haysan gool dhaliye weyn.

Xulka Germany ayaa daqiiqadii 33-aad dhaliyay goolka 1-aad waxana rikoodhe u dhaliyay xiddiga IIlkay Gundogan kaas oo xulkiisa u dhiibay hogaanka ciyaarta.

Saaxiibada Gundogan ayaa sii waday samaynta fursadaha iyaga o si joogto ah u samaynayay fursado cajiib ah laakiin waxa ka maqnayd dhamaystirka fursadahaas.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay sidaas iyada oo xulka Germany ahaa midka u muuqday mid guul ka gaadhaya kulanka isla markaas guul fudud gaadhaya.

Laakiin Xulka Japan ayaa waji kale la soo galay qaybta dambe ee ciyaarta iyaga oo xulka Germany dhibay isla markaas fursado badan ku sameeyay.

Daqiiqadii 75-aad ayuu xulka Japan dhaliyay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Ritsu Doan kaas oo ciyaarta ku soo celiyay xulkiisa.

Xilli uu Goolhayaha Germnay ee Manuel Neuer samaynayo badbaadino waali ah ayuu xulka Japan sii waday qaab ciyaareedka fiican iyo waliba fursadaha ay samaynayaan.

Daqiiqadii 83-aad ayuu xulka Japan lama filaan qarxiyay kadib markii xiddiga Takumo Asano dhaliyay goolka 2-aad ee xulka Japan ciyaartana ka dhigay 2/1 uu xulkiisu ku hogaaminayo.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Japan guul soo laabasho leh ka gaadhay xulka Germany isla markaas xulka loo saadaalinayo la mariyay wadadii Argentina.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here