Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Ka dib ciyaar xaraarad yeelatay qeybta labaad Spain iyo Jarmalka ayaa ku hishiiyay bar bar dhac min gool ah
Sheekada qeybta hore : Spain iyo Germany ayaa ku hishiiyay bar bar dhac bilaa goolal ah , waxa ayna ciyaarta aheyd mid taatiko ahaan fiicneyn
Spain ayaa ku sareeysay kubad haysashada halka Germany iyana ciyaarayeen hab cadaadis ah , xilli Spain mar sigeen goosha Jarmalka
Spain qadkooda dhexe aad ayuu u fiicnaa xilli Assensio qad dhexe dheeri iyo weerar bug ah oo gudaha tagayay uu ciyaarayay halka Jarmalka ka ciyaarayeen garbka middig halka Spain ka ciyaarayeen bidix
Jarmalka waa ku ficnaayeen in cadaadis sameeyaan marka kubadda cagtooda ka baxdo waxaana jiray gool VARrka diiday
Spain kubadda waa gaarsiinayeen afka hore Jarmalka , baasaskooda waa saxnaayeen balse go`aan qaadasho deg deg ah ayay ka sheeganayeen
Qeybta labaad : ciyaarta wa u furneyd labada dhinac mana jirin halis gilin muuqata oo ay isku sameeyeen labada dhinac
Daqiiqadii 55-aad Jarmalka goolhayaha Spain ayaan ka bad baadiyay fursad xaqiiq ah waxna aya aheyd tii ugu halis badneyd ee ay sameeyeen mudadaas , sidaas oo ay tahay labada qaran waxaa ka muuqanayay kala cabsi xilli isku dayana ay sameeyeen
Spain , halis ayay ahaayeen kullamaa afka hore tagaan , ka dib kubad si wacan loo dhisay waxaa gool u turjumay Morata daqiiqadii 62-aad waxaana ka muuqanay qalad weyn oo dhanka daafaca ah kuwaasi oo boosaskooda si ka bad badis ah uga dhaqaay.
Ka dib goolaas Spain dar dar ayay ciyaareysay balse si sax ah ugama aysan faa`ideysaneyn kubadda halka Jarmalka u muuqdeen kuwo dib u gurtay balse rogaal celiskooda waa waa taagnaa xilli daqiiqadii 72-aad fursad gool xaqiiq ah uu u diiday goolyaha Spain .
Qadka Spain aad ayuu u fir fircoonaa waana halka laga toogtay Jarmalka , balse Jarmalka dhamaadkii isku dayo ayay sameeynayeen ilaa ay keeneen goolka bar bar dhaca daqiiqadii 83-aad waxaana saxiixay Fullkrug
Si waliba waxa ay ciyaarta ku dhamaatay bar bar dhac min hal gool ah