Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Jose Mourinho, tababarihii hore ee Chelsea, haatana tababare u ah kooxda Roma, ayaa shaaca ka qaaday sababtii ay kooxda chelsea isaga iibisay Xiddigaha Mohamed Salah iyo Kevin De Bruyne.
Tababaraha reer Portugal ayaa yiri: “Maxay Chelsea u iibisay De Bruyne, waxaan u baxnay tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Asia, waxaan joognay Indonesia iyo Thailand, Kevin ayaa la rabay inuu amaah ku aado koox Germany, waxaan u sheegay kooxda: ‘Maya. Ma doonayo inuu amaah ku tago.’ “Waxaan doonayaa inuu ila joogo,” wuuna sii joogay oo bilaabay xilli ciyaareedka Premier League isagoo ku ciyaaraya safka hore”.
Wuxuu intaas ku daray: “Intaas ka dib, waxaan kula ciyaarnay tartanka European Super Cup ee Prague oo aan la ciyaarnay Bayern, mana uusan ciyaarin kulankaas, ka dib wuxuu doonayay inuu baxo, waxaan ku ciyaarnay kulankii labaad ee xilli ciyaareedka Premier League Manchester United garoonka Old Trafford. waxaana ku kala baxnay 0-0. De Bruyne waxa uu ku bilowday kaydka waxana uu ku soo galay badal isaga oo ciyaaray daqiiqado yar laakiin kuma filnayn intaas waxana uu doonayay in uu boxo”.
Wuxuu hadalkiisa kusii daray: “Marka aad joogto Chelsea oo aad rabto inaad baxdo, waad iska baxaysaa, waxaana booskaaga imanaay xiddig kale, waxa ay ahaayeen xiddigo da’yar ah oo doonayay in ay ciyaaraan si ay horumar u sameeyaan, anigu wax go’aan ah kuma lahayn bixitaankooda”.
Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Marka ay dadku dhahaan waxaan kooxda ka caydhiyay ama ka diray Salah, waxa aan sheegaa arintaas waxa ka soo hor jeeda, Salah aniga ayaa soo iibsaday oo si shaqsi ah u dalbaday isaga oo ku sii jeeda Liverpool”.
“Isagu ma doonayn in uu kaydka fadhiyo waxana uu doonayay in uu amaah ku boxo kadib chelsea ayaa iibisay Salah anigu ma iibin”ayuu sii raaciyay.
Waxaa xusid mudan in De Bruyne uu u soo ciyaaray Chelsea 2012 ilaa 2014, iyo Mohamed Salah 2014 ilaa 2016.