Jude Bellingham oo Wajahaya ganaax 12 Kulana.

0
33

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Jude Bellingham ayaa laga yaabaa inuu muteysto ganaax 12-kulan ah ka dib markii casaan loo taagay kulankii ay Real Madrid barbaraha 1-1 la gashay Osasuna Sabtidii.

Bellingham ayaa kaarka cas oo toos ah loo taagay qeybtii hore ee ciyaarta,laakin ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa ku adkeystay in dhacdadaan ay aheyd qalad dhanka isgaarsiinta ah oo uusan waligii aflagaadeyn garsoore Jose Luis Munuera Montero.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa wajahaya ganaax dheer oo ku aadan falkiisa, iyadoo sharciga anshaxa FA-ga Spain uu dhigayo in ciyaartoyda la ganaaxi doono afar ilaa 12 ciyaarood haddii lagu helo dambiga “aflagaado garsooraha ah” ama maamulka ciyaaraha.

Bellingham, si kastaba ha ahaatee, wuxuu u muuqdaa mid kalsooni ku qaba inaan la ganaaxi doonin Isagoo hadlayay ciyaarta ka dib, wuxuu yiri: “Weligay ma aflagaadeyn garsooraha, waan ku faraxsanahay inaan arko inay jiraan muuqaallo muujinaya xaqiiqda inkastoo garsooruhu uu sheegay.”

“Waxaan halkaan u imid inaan raaligelin ka bixiyo asxaabteyda kooxda maadaama aan maanta xaalad adag galiyay, wax xun kuma dhihin garsooraha, way caddahay in qalad isgaarsiineed uu dhacay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here