Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda Juventus ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah iyagoo shaqada ka ceyriyey tababarehooda Thiago Motta.
Juventus ayaa si rasmi ah u ceyrisay macallinkeeda Thiago Motta kadib sideed bilood oo kaliya oo uu maamulayey, iyadoo Igor Tudor loo magacabay inuu noqdo badalkiisa ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.
“Juventus FC waxay ku dhawaaqeysaa in Thiago Motta laga qaaday xilkii tababarnimo ee kooxda koowaad,” ayaa lagu yiri bayaan.
“Kooxdu waxay jeclaan lahayd inay u mahadceliso Thiago Motta iyo dhammaan shaqaalihiisa xirfaddooda iyo shaqadii ay bilihii la soo dhaafay u qabteen si xamaasad leh, waxaana kooxdu u rajeynaysaa nasiib wanaagsan mustaqbalka.”
“Juventus FC waxay sidoo kale ku dhawaaqeysaa in Kooxda Koowaad ee Ragga uu hadda hogaamin doono Igor Tudor, kaasoo maamuli doona tababarkiisa ugu horeeya berri, Isniin, 24-ka Maarso.”