Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha degmada Kaaraan ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddo Interlock ah oo laga hirgelinayo Waaxda Faanoole ee degmada Kaaraan. Mashruucan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee degmada.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, odayaal dhaqameed, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.
Warkan waxaa soo jeedinaya:Abdifitah Mohamed Ahmed