Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay joojinayso shuruudaha dal ku galka dhammaan dadka Afrikaanka ah ee soo booqanaya Kenya marka la gaaro dhammaadka sanadkan.
Waxa uu sheegay mudane Ruto in la joogo waqtigii ay Afrikaanku ogaan lahaayeen in aanay dani ugu jirin in ay fiisooyin isu kala qaadan lahaayeen.
Socdaalka fiisa la’aanta ee qaaradda ayaa ahaa yoolka Midowga Afrika (AU) tobankii sano ee la soo dhaafay.
In kasta oo ay jiraan heshiisyo goboleed iyo qabanqaabo laba geesood ah, horumarka loo marayo qaadista xannibaadaha ayaa ahayd mid gaabis ah.
Seychelles, Gambia iyo Benin oo kaliya ayaa bixiya dal ku gal la’aan dhammaan muwaadiniinta Afrikaanka ah, sida lagu sheegay warbixin uu taageero Midowga Afrika 2022.
Laakiin marka loo eego Tusaha Furitaanka Dal-ku-galka Afrika oo cabbiraya heerka uu waddan kasta oo Afrika ku yaalla u furanyahay dadka ka imanaya waddamada kale ee Afrika – waddammada intooda badani waxa ay horumar ka samaynayaan fududaynta hababka gelitaanka oo ay xannibaadyo ku soo rogaan waddamada kale qaarkood.
Sannadkii 2022, Kenya waxa ay gashay kaalinta 31-aad marka loo eego 54 gobol.
Madaxweyne Ruto ayaa dadweynihii ku sugnaa Congo-Brazzaville u sheegay inay u xun tahay ganacsiga.
Horaan ayey ahayd markii madaxweynaha Kenya uu sheegay in Kenya ay caalamka oo dhan u ogalaan doonto inay dalkiisa kusoo galaan Fiisa la’aan.