Kiiskii ugu horreeyay ee cudurka aadka u faafa ee mpox oo laga helay UK

0
18

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Hal kiis oo mpox ah – oo hore loo oran jiray furuqa daanyeerka (monkeypox) oo lala xiriiriyay cudur dhawaan ka dillaacay qaybo ka mid ah Afrika ayaa laga helay UK.

Waa qayb ka mid ah dillaaca Clade 1b, kaas oo u muuqda in uu si fudud ugu faafo dadka dhexdooda.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa ku dhawaaqay Mpox in uu yahay xaalad degdeg ah xagaagii.

Bukaanka laga helay cudurka ee UK ayaa dhawaan fasax ku tagay ugu yaraan mid ka mid ah wadamada uu ka dilaacay cudurka ee Afrika wuxuuna bilaabay inuu dareemo xanuun 24 saacadood kaddib markii uu u soo duulay dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here