Koob loogu talagalay isdhexgalka nabada ee dhalinyarada oo laga daah furay degmada Guriceel.

0
36

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Degmada Guriceel Mudane Farah Abdi Mo,allim oo ay wehliyaan Agaasimaha Arrimaha Bulshada, Madaxa xiriirka kubbadda cagta ee Degmada, iyo Taliyaha Nabad-sugida Degmada ayaa galabtay daah-furay tartanka Ramadan cup ee lagu qabanayo Degmada Guriceel inta ay socoto bisha barakaysan ee Ramadaan.

Tartankan ayaa ah mid ay ka qayb-galayaan dhammaanba waaxaha xaafadeed ee ay ka koobantahay Degmada Guriceel.

Tartankan galabtay bar-billowga ahaa ayaa lagu furay waaxaha kala ah Istarliin iyo Sagal.

Guddoomiyaha oo madashan daah-furka ah ka hadlay ayaa tilmaamay in kubbadda cagtu ay tahay is dhex-gal bulsho loona baahanyahay.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here