Tartanka kubadda cagta kooxaha heerka 1-aad oo Dhuusamareeb ka furmay.

0
74

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Gudoomiyaha degmada ahna duqa caasimadda Abdirahmaan Ali Mohamed Geeda Qoroow, Gudoomiyaha gobolka Galgaduud Mudane Cilmi Cali Ganeey, Gudoomiyaha dhalinyarada caasimada iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka degmada Dhuusamareeb ayaa ka qeybgalay furitaanka Horyaalka Heerka 1-aad ee Kooxaha Caasimadda.

Tartankan waxaa lagu daahfuray kooxaha kala ah FC SKY Blue iyo FC Dalsan, ayaa ku soo dhamaatay FC Dalsan 3-2, guul ka gaaray FC Sky Blue. Qabsoomida tartankan waxaa soo qaban-qaabiyay Xiriirka Kubada Cagta Caasimadda Galmudug.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here