Wasiiro ka tirsan Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daahfuray mashruuc cusub oo lagu taageerayo shaqo-abuurka.
Mashruucan ayaa diiradda saaraya dadka muddo lagu tababarayay xirfadaha farsamada gacanta, sida tolista, alxanka, korontada, iyo farsamada dhismaha.
Ujeeddada mashruuca ayaa ah in la xoojiyo fursadaha shaqo ee dhalinyarada iyo dadka deegaanka, si ay uga qeyb qaataan horumarinta dhaqaalaha, una helaan nolol dhaqaale oo waarta.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdifitah Mohamed Ahmed