Koox Weyn Oo Premier League Ah Oo Antonio Rudiger Ku Soo Celinaysa Horyaalka,

0
63

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Real Madrid ee Antonio Rudiger, iyadoo Red Devils ay isku diyaarineyso dalab furitaanka oo ah 51 milyan ah ka gudbiso daafaca.

30-sano jirkaan ayaa laga yaabaa inuu si dhaqso ah ugu soo laabto Premier League ka dib markii uu ka tagay Chelsea xagaagii hore markii uu dhacay qandaraaskiisa isla markaas qaab xor ah ugu biiray Los Blancos.

Inkasta oo uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkii tagay hadana xiddiga ayaan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Real Madrid.

Sida laga soo xigtay Football.London, Manchester United ayaa isku diyaarinaysa inay dalab 51 milyan ka gudbiso saxiixa Rudiger suuqa xagaagan, iyadoo Erik ten Hag uu doonayo inuu dhiso koox awood u leh inay u tartamaan afar tartan xilli ciyaareedka soo socda.

Man United ayaa xidhiidh fiican la leh kooxda Real Madrid marka la eego in ay xagaagii hore kala soo wareegeen xiddiga khadka dhexe ee Casemiro.

Macalin Ten Hag ayaa doonaya in uu Rudiger ka garab ciyaarsiiyo xiddigaha Martinez iyo Varane xilli ciyaareedka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here