Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda reer Spain ee Real Madrid, ayaa loo caleemo saaray horyaalka Intercontinental Club Confederations Cup, ka dib markii ay ciyaartii finalka ku garaacday kooxda reer Mexico ee Pachuca.
Los Blancos ayaa 3/0 ku Garaacday kooxda Pachuca ee ka dhisan dalka Mexico waxana ay sidaas ugu guulaysteen koobka Club Confederations Cup.
Pachuca ayaa u soo baxday finalka, ka dib markii ay garaacday kooxda heysata horyaalka South America ee Botafogo, ka dibna waxay garaaceen kooxda Al-Ahly ee Masar.
Real Madrid ayaa sugaysay finalka maadama ay tahay kooxda ku guulaystay tartanka champions league iyadoo nidaamka cusub ee tartanka uu ka dhigayo kaliya kooxda heysata tartanka ugu tunka weyn yurub in ay ciyaarto Kaliya hal kulan.
Xiddiga Mbappe ayaa dhaliyay goolka 1-aad ee kooxdiisa daqiiqadii 36-aad.
Waxa sidaas ku dhmaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Real Madrid hogaaminayso natiijada
Qaybta dambe ee ciyaarta ayay kooxda Real Madrid dhalisay goolka 2-aad daqiiqadii 58-aad waxna u dhaliyay xiddiga Rodrygo kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.
Xiddiga Vini JR ayaa daqiiqadii 84-aad dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa waxana uu ciyaarta ka dhigay 3/0 ay Real Madrid guushu ku raacday.