Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Mas’uuliyiinta dalka Nigeria ayaa sheegay in 27 qof oo meyd ah laga soo saaray goob uu shil doon ah ka dhacay oo ku taalla bartamaha gobolka Kogi. Ugu yaraan 24 qof ayaa la soo badbaadiyay kuwaas oo lagu daweynayo isbitaallo kala duwan.
Hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta ayaa sii socda. Marshalada biyaha iyo quusayaasha deegaanka ayaa ku mashquulsan raadinta kuwa badbaaday iyo meydadka dhibanayaasha. In ka badan 100 qof ayaa weli maqan.
Doonta ayaa siday in ka badan 200 oo rakaab ah, markii ay ku degtay biyaha webiga Niger ee bartamaha gobolka Kogi.
Guddoomiyaha gobolka Kogi ayaa ku baaqay in la adkeeyo tallaabooyinka badbaadada ee hawlgallada badda wuxuuna ku boorriyay hawl-wadeennada gaadiidka biyaha inay raacaan borotokoolka badbaadinta oo ay ka fogaadaan safarrada habeenkii si looga hortago musiibooyinka mustaqbalka. Waa shilkii saddexaad ee noocaan ah ee ka dhaca Nigeria 60-kii maalmood ee la soo dhaafay.