Kulan Cayaareed lagu dhiirigelinaya is dhexgalka dhalinyaradda oo lagu qabtay degmada Balcad.

0
27

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa martigelisay kulan ciyaareed dhiirigelin u ah garsoorayaasha Soomaaliyeed ee heer caalami, kaas oo si gaar ah loogu maamuusay garsoore Cumar Cartan oo ka mid ah garsoorayaasha caanka ah ee dalka Soomaaliya ee heerka caalamiga ah gaadhay.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, bahda ciyaaraha, dhalinyaro, iyo taageerayaal isugu yimid garoonka si ay u muujiyaan taageeradooda iyo xushmadda ay u hayaan dadaalka iyo horumarka ay sameynayaan garsoorayaasha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka shaqeynaya ciyaaraha heerka caalamiga ah.

Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here