Kulan Ciyaareed loogu talagalay isdhexgalka dhallinyarada oo ka furmay deegaanka Ceeldibir Gobolka Mudug.

0
39

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kulan ciyaareed kubadda cagta ah oo loogu talagalay isdhexgalka dhallinyarada ayaa ka furmay deegaanka Ceeldibir ee Gobolka Mudug. Tartankani waxa uu qayb ka yahay dadaallada lagu dhiirrigelinayo isdhexgalka bulshada, kobcinta kartida dhallinyarada, iyo xoojinta nabadda iyo wadajirka bulshada deegaanka.

Ciyaartan waxa ay fursad u siineysaa dhallinyarada in ay muujiyaan hibadooda ciyaareed, korna loo qaado isu-soo dhowaanshaha bulshada kala duwan ee deegaanka Galmudug ku nool sidookale waxaa la filayaa in tartanka uu ka qaybqaato yaraynta firaaqada dhalinyarada, isla markaana lagu dhiirrigeliyo ka fogaanshaha falalka keeni kara rabshado ama khilaaf.

Warkaan waxaa soo jeedinaya:Liban Mohamed Abdi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here