Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Qaar ka mid ah xildhibaanada iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa kulan xog-warran ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Kulankan oo ka dhacay xarunta degmada ayaa looga hadlay wadashaqeynta u dhaxeysa dowladda Galmudug iyo shacabka deegaanka, iyadoo lagu lafa-guray arrimo ay ka mid yihiin horumarka degmada, amniga, adeegyada bulshada, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowliga ah.
Hamdi Diriye Ali ayaa faah faahineysa.