Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Hay’adda Horncenter (HC) Dialogue oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Galmudug, ayaa magaalada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud ku qabatay kulan wadatashi ah oo diiradda lagu saaray kor u qaadidda ka qaybgalka bulshada, dowladnimo wax ku ool ah, iyo isla xisaabtan hufan.
Kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka socda maamulka degmada Cabudwaaq, ururrada haweenka iyo dhalinyarada, odayaasha dhaqanka, hooyooyinka nabadda, iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Hamdi Dirie Ali