Kulan ku saabsanaa horumarinta Waxbarashada caruurta oo lagu qabtay Gaalkacyo.

0
5

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa lagu qabtay kulan looga hadlayay horumarinta waxbarashada carruurta, gaar ahaan sidii loo hubin lahaa in dhammaan carruurta da’da waxbarasho ku jirta ay helaan fursad waxbarasho oo tayo leh.

Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay maamulka gobolka mudug ee galmudug, waxana ka qayb galeen mas’uuliyiin ka socday wasaaradda waxbarashada, hay’adaha samafalka, macallimiin, waalidiin, iyo ururrada bulshada ee rayidka ah.

Warkan waxaa soo jeedinaysa:  Sacdio Abdulkadir Yusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here