Kulan ku Sabaabsan wacyi-gelinta wax ka bedalka Dastuurka Dalka oo lagu qabtay Dhuusamareeb

0
6

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Dastuurka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qabatay kulan wacyi-gelin ah oo la xiriira dib-u-eegista Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan cutubyada 1 ilaa 9.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, oo ay ka mid yihiin haweenka, dhalinyarada, odayaasha dhaqanka, culimada, dadka baahiyaha gaarka ah qaba . Ujeedada kulanka ayaa ahayd in lagu kordhiyo fahamka bulshada ee ku saabsan dib-u-eegista dastuurka, isla markaana laga dhageysto aragtidooda iyo talooyinkooda ku aaddan qodobbada dastuurka.

Warkan waxaa faah faahinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here