Kulan lagu qabtay Dhuusamareeb oo looga hadlay iskaashiga Bulshada.

0
27

Dhuusamareebย (Radio Daar-Dheer)-Hay’adda Horncenter Dialogue ayaa magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, ku qabatay barnaamij muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga Odayaasha Dhaqanka iyo Golaha Deegaanka, si loo horumariyo maamul wanaagga iyo wada shaqeynta bulshada iyo dowlad deegaanka. Barnaamijkan ayaa socon doona laba maalin.

Barnaamijkan waxaa ka qeyb galay Duqa caasimadda Dhuusamareeb, Mudane Cabdirixmaan Cali Maxamed (Geeda-Qorow), xubno ka tirsan Golaha Deegaanka, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada, qurbo-joogta Galmudug, ururada haweenka iyo dhalinyarada caasimadda, iyo qeybaha kale ee bulshada.

Warkan waxaa soo jeedinaysa: Hamdi Dirie Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here