Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa degmada Bacaadweyne ee gobolka Mudug ku qabatay kulan lagu soo bandhigay baahiyaha ay qabaan bulshada magaalada.
Gudoomiyaha degmada Bacaadweyne mudane Ahmed Daaahir Macalin iyo qaar kamid ah bulshada degama ayaa ka hadlay baahiyaha ay qabaan bulshada degmadaas iyo deganada hoostaga.
Agasimaga guud ee wasaaradda arimaha gudaga Galmudug Omar guure ayaa sheegay in dowlad goboleedka Galmudug ay ka jawaabeyso baahiyaha ka jira Bacaadweyn.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor