Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Shirkadda samaynta dawooyinka ee Soomaaliyeed Yeni Som ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan muhiim ah oo looga hadlayay tayeynta iyo xoojinta adeegyada caafimaad ee dalka. Kulankan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka, bahda caafimaadka, iyo wakiillo ka socday hay’adaha gaarka loo leeyahay, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa adeeg caafimaad oo tayo leh oo la gaarsiin karo guud ahaan dalka.
Abdulahi Abdulkadir Nor ayaa warkan soo jeedinaya.