Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ku qabatay kulan wadatashi ah oo ay isugu yimaadeen Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ah ee ka howl-gala Deegaannada Dawladd-Goboleedka Jubbaland.
Kulankan ayaa waxaa Goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jubbaland Abdirahmaan Abdi Ahmed iyo xubno ka socday Hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala Jubbaland.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf