Kulan looga hadlay hormarinta Caafimadka oo lagu qabtay Diinsoor

0
8

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada, kaas oo diiradda lagu saarayay sidii loo horumarin lahaa adeegyada caafimaadka ee degmada. Kulankan oo ka dhacay xarunta degmada, ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka, shaqaalaha caafimaadka, odayaasha dhaqanka, haween, dhalinyaro iyo xubno matalayay ururada bulshada rayidka ah.

Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah loo falanqeeyay caqabadaha haysta adeegyada caafimaad ee degmada, sida xarumo caafimaad oo kooban, agab caafimaad oo xadidan, iyo shaqaale caafimaad oo aan ku filneyn baahida ka jirta degmada Diinsoor iyo deeganadda hoosyimada.

Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here