Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kulanka lagu falanqeynayay horumarinta Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee shanta sano ee Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo.
Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay odayaasha dhaqanka, ururrada haweenka, dhallinyarada, wakiillo ka socday hay’adaha deegaanka, ururrada bulshada rayidka ah, iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Haweenka.
Waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee shanta sano ah.
Warkan waxaa soo jeedineysa: Sacdio Abdulkadir