Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kulan looga hadlayay Sharciga Ilaalinta Gargaarka Bini’aadantinimo iyo Wacyigelin ku saabsan Difaaca Xuquuqda Aadanaha, si loo ilaaliyo gargaarka loogu talagalay bulshada tabaaleysan, ayaa lagu qabtay degmada Diinsoor ee gobolka Bay.
Kulanka furitaankiisa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha degmada Diinsoor, Axmed Aadan Cabdi, bulshada qaybaheeda kala duwan, madax ka socotay hay’adaha samafalka iyo guddoomiyeyaasha xeryaha barakacayaasha ee degmada Diinsoor iyo deegaannada hoos yimaada.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf