Kulan Looga Hadlay Qorshaha Horumarinta Dhuusamareeb oo la Daahfuray.

0
4

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Waxaa magaalada Dhuusamareeb loogu daahfuray kulanka Qorshaha Horumarinta Magaalada ee loogu talagalay shanta sano ee soo socota.

Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa hogaaminayay Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb, Macalin Abdirahman Ali Mohamed (Geeda-qorow), iyadoo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, wakiillo ka socday hay’adaha samafalka, ururada bulshada rayidka ah, aqoonyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Kulankan ayaa looga gol leeyahay in la dhiso qorshe istaraatiiji ah oo lagu hago horumarka magaalada Dhuusamareeb, muddada shanta sano ee soo socota.

Warkan waxaa soo jeedineysa: Sadio Abdulkadir Yusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here