Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kulankaan oo looga hadlayay sidii xal loogu heli lahaa abaaraha iyo fatahaadaha ka jira gobolka Hiiraan ayaa waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye.
Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya Hiiraan. Gabagabada shirka, waxaa hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Mudane Muuse Salaad Wehliye.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor