Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna duqa Magaalada Mudane Abdullahi Ali Watiin ayaa shir-gudoomiyey Kulanka todobaadlaha ah ee maamulka degmada Baydhabo.
Kulankan ayaa diirada lagu saarayey hormarinta degmada, sida dhisidda jidadka, sugida amniga guud ee Magaalada, kor u qaadida shaqo wanaaga, Horumarinta nadaafada magaalada iyo sidoo kale dhageysiga warbixinada laxiriira Howlaha shaqo ee dhamaan waaxooyinka ay kakooban tahay dowladda hoose ee degmada Baydhabo.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdifitaha Mohamed Ahmed