Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo ay weheliyaan Gudoomiye ku xigeenka Eng: Maxamed Cabdi Cilmi,xubna kake oo maamulka ka tirsan, ganacssata iyo maalgashadayaal ayaa ka qeyb galay kulan balaaran oo u dhexeeyay Maamulka Degmada Gaalkacyo, xubno ka socday shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo kaasi oo diirada lagu saaray doorka ganacsatada iyo bulshada qeybaheeda kale ee ka qeyb qaadashada Mashaariicda Horumarinta Degmada Gaalkacyo.
Warkan waxaa faah faahinaysa: Hamdi Dirie Ali