Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa maanta lagu qabtay kulan lagu xoojinayay doorka haweenka ee hoggaaminta, kaas oo ay soo qaban-qaabisay xarunta TUBSAN.
Kulanka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, xubno ka socday hay’adaha bulshada rayidka ah iyo haweenka deegaanka.
Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq, Muxyadiin Aadan Wali, oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in maamulka degmada uu ka go’an yahay in haweenka lagu daro hogaaminta iyo go’aan qaadashada, si ay adeegyada bulshada uga noqdaan qayb muuqata.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor


