Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Hay’adda badroolka qaranka soomaaliyeed ayaa bulshada magaalada Gaalkacyo kula qaatay kulan ay ugu soo bandhigayeen halka uu marayo sahminta shidaal baarista soomaaliya.
Ugu horeyn gudoomiyaha hay’adda batroolka qaranka Egn Abdulkadir Mohamud aadan oo sharaxay heerarka ay soo martay shaqadan iyo halka hada wax marayaan.
Dhankooda Maamulka degmada Galkacyo iyo qaar kamida wasiiradda dowlad goboleedka Galmudug ayaa madasha ka hadlay waxaana ay guul weyn ku tilmaameen halka uu marayo qorshaha soomaaliya uga mid noqoneyso dalalka soo saartay shidaalka.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor