Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Hawenka iyo xuquuqda Aadanaha Galmudug ayaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxa ay ku qabatay kulan looha hadlayay sidii looga hortagi lahaa tacaddiyada jinsiga ka dhanka ah ee lagula kaco haweenka iyo xacuurta.
Kulankan ayaa waxaa ka qayb-galay xubno ka socday golaha deegaanka Gaalkacyo, dhalinyarada, aqoonyahannada iyo haweenka waxaana kulankan inta uu socday lagaga dooday sidii loo hirgelin lahaa xeerarka ka hortagga tacaddiyada jinsiga ka dhanka ah.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdidahir Garad Ali
Audio Player