Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer):-Wasaaradda Maaliyadda iyo Hormarinta Dhaqaalaha Jubaland ayaa magalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbadda hoose ku soo xirtay kulan looga doodayay miisaaniyadda Dowladd goboleedka Jubaland ee sanadka 2025.
Kulankan ayaa wax ka soo qeeybgalay xubno kamida Golaha Wakiilada Dowladda Jubaland, qaybaha kala duwan ee bulshada sida Odayaasha dhaqanka, Haweenka, Dhalinyarada iyo qaar kamid ah Ardeyda wax ka barata Jaamacadaha magaalada kuwaas oo dhamaantooda si qota dheer looga dooday sida ugu wanaagsan ee kor loogu qaadi lahaa miisaaniyadda Dowladda iyo sidii loo sii hormarin lahaa korarka miisaaniyadda Dowladda Jubbaland.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Sacdio Abdulkadir Yusuf