Kulan looga hadlayay nabad-dhiska bulshada oo lagu qabtay magaalada Cadaado

0
33

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kulan muhiim ah oo looga hadlayay nabad-dhiska bulshada iyo la dagaallanka fikradaha qaldan ee sababa isku dhacyada bulshada ayaa lagu qabtay magaalada Cadaado. Kulankan waxaa soo qaban-qaabisay hay’adda Tubsan, xafiiskeeda Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin wasiiro, xildhibaano, ururrada bulshada rayidka ah, dhalinyaro, iyo maamulka magaalada Cadaado, iyo sidoo kale marti-sharaf kale.

Intii uu socday kulanka ayaa lagu gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa wadajirka bulshada, kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku aaddan nabadda, iyo sidii looga hortagi lahaa fikradaha qaldan ee dhalin kara kala-qaybsanaan iyo rabshado.

Warkan waxaa soo jeedinaya: .. liibaan maxamed cabdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here