Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Kulankan oo ka dhacay magaalada Nairobi waxaa ka soo qeybgalay culimo caan ah oo ka kala yimid gobollada iyo jaaliyadaha dibadda. Waxay uga doodeen saameynta dagaallada iyo muhiimadda wadahadalka.
War-murtiyeed ay soo saareen, culimada waxay sheegeen in colaadda sii socota ay dib u dhac u keeni karto dalka. Waxay ugu baaqeen dhinacyada isku haya inay tixgeliyaan maslaxadda shacabka.
Culimada ayaa madaxda dowladda ugu baaqay inay door hoggaamineed ka qaataan joojinta colaadda, ayna ka shaqeeyaan xasilloonida iyo midnimada dalka.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor