Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee DGKGS ayaa magaalada Baydhabo ka daahfurtay Todobaadka Wacyigelinta Ololaha Nadaafadda Deegaanka.
Munaasabadda daahfurka ololaha ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro, xildhibaano, hay’adaha ka shaqeeya nadaafadda deegaanka, iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Diini Cabdinuur, ayaa ka hadlay ahmiyadda ay nadaafadda deegaanka u leedahay bulshada, isaga oo xusay in nadaafaddu ay muhiim u tahay caafimaadka, bilicda magaalooyinka, iyo horumarka guud ee deegaanka.
Warkan waxaa soo jeedineysa: Sadio Abdulkadir Nor