Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo adkeyn lahaa wada-shaqeynta ka dhaxeysa bulshada iyo hay’adaha amniga, si loo xoojiyo nabadda iyo iskaashiga bulshada dhexdeeda.
Mas’uuliyiin ka socday laamaha ammaanka, madaxda ururada bulshada rayidka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeybgalay kulankaas, iyagoo ka hadlay muhiimadda ay leedahay in shacabka iyo ciidamadu iska kaashadaan sugidda ammaanka magaalada.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor


