Kulan looga hadlayay xeerka Dalxiiska Jubbaland oo lagu qabtay Kismaayo.

0
39

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay kulan ballaaran oo bulshada looga talo gelinayay xeerka iyo siyaasadda dalxiiska Jubbaland, iyadoo ujeeddadu tahay in talooyinkooda iyo aragtidooda lagu saleeyo qorshaha horumarinta dalxiiska Jubaland.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah wasiirrada Jubbaland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Agaasimaha Telefishinka Jubbaland, Gudoomiyaha Ururka saxafiyiinta Jubaland, saraakiil boolis, ganacsato, mulkiilayaasha goobaha dalxiiska, haween iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Warkan waxaa soo jeedinaysa: Hamdi Dirie Ali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here