Kulan looga hadlayeey Ansixinta Qorshaha Maalgashiga Degmada kismaayo oo degmaas lagu qabtay

0
25

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland iyo Maamulka Degmada Kismaayo ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ku qabtay kulan lagu soo bandhigay Ansixinta Qorshaha Maalgashiga Degmada Kismaayo.

Kulanka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday wasaaradaha Jubbaland, maamulka degmada Kismaayo, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo, oo furay kulanka, ayaa sheegay in qorshahaan uu yahay mid muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha degmada, isaga oo xusay in wadashaqeynta ka dhexeysa maamulka iyo bulshada ay fure u tahay guusha qorshahan.

Warkaan waxaa soo jeedinaya: Sacdiya Abdulkaadir yusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here